Sida Mareykanku uga ka Faa’iideysteen  Xisaabtii qaldanayd ee Saddaam Xuseen uguna burburiyey Ciraaq

30 sano ka hor, 11-kii january 1990kii Koongareeska Mareykanka ayaa ucodeeyay in Madaxweyne George Bush loo oo idmaday inuu dagaal ku qaado Ciraaq, xoogna uu a adeegsan karayo in ciidamada Sadaam laga saaro Kuweyt, dhowr maalmood oo keliya markay ka soo wareegtay idankii congresska isbahaysiga caalamiga ah ee uu  Meerikaanku horkacayay waxay ku dhawaaqeen inay bilaabayaan dagaalkii labaad ee gacanka bishii Janaayo 17, 1991.

Dastuurka Mareykanku wuxuu farayaa madaxweynaha inuu oggolaansho ka helo koongareska ka hor inta uusan dagaal ku qaadin waddan kasta oo aan si toos ah u weerarin danaha Mareykanka, laakiin howlgalka Bush dhinaca Congress-ka kalama uusan kulmin wax cadaadis ah, mana aysan mucaaradad badan idanka ka hor.

Oggolaanshaha in xoog la isticmaalo:

Go’aanka Koongareeska Mareykanka ee ah in awood militari loo adeegsado si ciidamada Ciraaq xoog looga saaro Kuweyt waxaa kamid ahaa in la siiyay madaxweynaha Ciraaq  Saddam Xuseen, ilaa 15 janaayo 1991 si uu ciidamadiisa ugala baxo Kuwait sida uu TV-ga Al-jazeera usheegay khabiirka arimaha istaraatiijiga ah Dr. Faris Turki.

DR faris aya kuwaramaya in Koongareesku uu ansixiyay baahida loo qabo in lamaro dhammaan hababka diblomaasiyadeed iyo kuwa nabadeed si looga fogaado dagaal, congress-ka ayaa caddeeyay inuu ka laabanayo ogolaanshihiisa haddii dagaalku socdo muddo dheer ama uu dhaliyo khasaaro culus.

Khabiir DR. Turki wuxuu xusey in Madaxweynahii Mareykanka ee Bush uusan sugin ogolaanshaha congress-ka, taa badalkeed, shan bilood ka hor intaan la ansixin hawlgalka, wuxuu udaadgureeyay ilaa nus malyuun ciidamadiisa ah gobolka Khaliijka si loogu diyaar garoobo dagaalka.

Waxaa lagu sifeynayay sababaha faragalinta Mareykanka waa muhiimada gaarka ah ee gobolka Khaliijka Carabta maadama uu yahay soo saaraha ugu badan iyo dhoofiyaha saliida adduunka, sidoo kale danaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo dowladaha Khaliijka, iyo Washington – oo dooneysay inay soo rogto gebi ahaanba heymanadeeda – oo marnaba u dulqaadan doonayn ficil heerkiisu gaarsiisanyahay duulaanka Kuweyt ee dhacda gobolkaa oo darantahay Xasaasiyadiisa.

Dooqa diblomaasiyadda.

Illaa maalintii ugu horeysay ee dhibaatada Kadib markii ciidamada Ciraaq ay duulaan ku qaadeen Kuweyt 2-dii Agoosto 1990, iyo Mareykanku wuxuu ku baaqayay in Ciraaq ay ka baxdo Kuweyt, laakiin marka loo eego xisaabta istiraatiijiyada waxay soo baxaysa taa ka soo horjeedkeeda, hogaankii ciraaq waxay ka caawiyeen fulinta istiraatiijiyadda xisaab khaldan oo ka fog caqliga iyo xaqiiqda, sida uu sheegay madaxa waaxda daraasadaha. Siyaasadda iyo istiraatiijiyadda Xarunta Daraasaadka Gobolka ee Jaamacadda Mosul, Dr. Mithaq Khairallah Jalloud.

Jalloud ayaa sheegay in 4tii Agoosto 1990, hoggaanka Ciraaq uu go’aansaday inuu ka baxo Kuweyt, ka dib dhaxdhaxaadin wanaagsan oo ka timid dhankanBoqorka Urdun ee xilligaasi Hussein bin Talal, taa badalkeeda wuxuu ku xiray shuruud ah in aan la soo saarin go’aan Carabeed oo lagu cambaareynayo Ciraaq.

Lakiin Madaxweynaha Masar Muxammad Xusni Mubaarak oo qadka taleefanka kula hadlay Buush ayaa cambaareeyay Ciraaq, taas oo ku kalliftay Saddam Hussein inuu ka laabto go’aankiisa ka bixitaanka. Khabiir Jaluud wuxuu aaminsan yahay in dowladaha Khaliijka bilowgii xiisadda ay rabeen in Ciraaq ay ciidamadeeda la baxdo oo keliya, waxaane taa xaqiijinaya in hoggaanka Sacuudiga uu ka cagajiidayay inuu qaabilo ciidamada Mareykanka markii hore.

Kahbiirku Wuxuu tilmaamay in Saddam uu muujiyay bartamihii bishii Oktoobar 1990kii diyaar u ahaanshihiisa inuu wadahadal la galo Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka, isi niyad sami leb, Ciraaq ayaana ku dhawaaqday 3 maalmood kadib inay u oggolaanayso in dadka ajaanibta ah inay ka baxaan dalka, laakiin maamulka Mareykanka kama uusan jawaabin qorshaha Ciraaq.

Markaa kadib Washington waxay ku riixday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay inay soo saaro go’aano is daba joog ah oo ka dhan ah Ciraaq, kuwaas oo ah kuwii ugu adkaa taariikhda golahan, dadaalkii ugu dambeeyay ee xalka nabadeed ayaa aha kulan Geneva ku dhexmaray Wasiirka Arimaha Dibada ee Ciraaq Tariq Aziz iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka James Baker bishii Diseembar 9, 1990sikastaba ha ahaate kulankan ayaa fashilmay oo dhinacyada waxay ku adkaysteen go’aandooda.

Duqayntii Ciraaq.

Diyaaradaha isbahaysiga ayaa waqooyi koofurba ka billaabay duullaan balaaran oo xaga cirka ah maalin kadib markii ay dhammaatay muddadii uu Golaha Ammaanku u qabtay Ciraaq inay ciidamadeeda kala baxdo Kuweyt, sida uu sheegay khabiirka milatariga Abdul Khaleq Al-Shaher.

Al-Shaher wuxuu tibaaxay in isbahaysigu uu qaaday 109,867 weerar oo xagga cirka ah muddo 43 maalmood gudahood ah, celcelis ahaan 2,555 duqaymo ah ay kusoo aadayso maalintii, waxayna adeegsadeen in ka badan 60 kun oo tan oo bambooyin ah iyo walxaha qarxa ah, taasoo horseeday burburka kaabayaasha dhaqaalaaha ciraaq.

Al-Shahir oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Kadib markii isbahaysigu burburiyey diyaaradaha, nidaamka difaaca hawada, iyo xarumaha isgaarsiinta ciraaq, diyaaradaha waxay bilaabeen bartilmaameedsiga gantaalada Scud ee Ciraaq, airportyada, xarumaha cilmi baarista militariga iyo maraakiibta dagaalka, qeybaha militariga ciraaq ee kusugan Kuweyt, xarumaha laga dhaliyo danabka korontada, xarumaha isgaarsiinta taleefanada, warhadihii saliida, buundooyinka, wadooyinka Tareenada, iyo xitaa xarumaha sifaynta biyah

 

“Khabiirka Milatariga Ciraaq wuxuu rumeysan yahay in baxaadda iyi balaarnida duqeynta oo lagu darayo goobaha lala beegsaday looga dan lahaa curyaaminta hay’ad kasta oo fulin kartay ficil militari si loo wiiqo awooda ciidamada Ciraaq, saameyna ugu yeelato niyada dadka reer Ciraaq, iyo burburinta guud ahaan dalka curaaq sikama danbays ah, si ay uyaraato qasaaraha soo gaaraya xoogagii xulafada”

Saameynta go’aanka congresska.

Professor-ka cilmiga siyaasada ee Baqdaad, Dr. Ahmed Adnan Al-Mayali wuxuu tixgeliyey go’aanka Koongareeska bilowga masiibada Ciraaq iyo Ciraaqiyiinta, daciifinta ciidanka Ciraaq, duminta xarumaha iyo qaab dhismeedka dawladda, iyo cunaqabateyn dhaqaale ee udalkaasi la daala dhacayo ilaa iyo haatan.

Al-Mayali wuxuu rumeysan yahay in aysan macquul aheyn in lakala saaro duulaankii 1991kii iyo kii 2003 ee lagu soo afjaray taliskii sadaam, maxaa yeelay wuuxu yiri proff waa labo waji oo laxiriira guuldarooyinka iyo dib udhaca ciraaq, isagoo tilmaamay inay aas aas u yihiin geedi socodka duminta dowlada Ciraaq.

Al-Mayali wuxuu rumeysan yahay in wixii dhacay tan iyo 1991-kii ay ahaayeen hanaan nidaamsan oo loo qorsheeyay duullaankii Ciraaq lagu qaaday 2003-dii, qorshuhuna gabi ahaanba wuxuu ku dhammaaday sidii ay rabeen cadawga a Ciraaqiyiintuna wali waxay dhamayaan dhamacdii 11kii Janaayo, 1991, xaaladduna waxay sii socon kartaa muddo dheer.

Yaxye Cabdullahi Soocade                       

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW