U bood dhigaalka

Sidee Fahad Yaasiin Ku Arkey Madaxweyne Shariif?

Sheeko:Dalka

Waxaa xalay kulan gaar ah yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo taliyaha hey’adda sirdoonka qaranka ee NISA Fahad Yaasiin.

Kulankan oo saacado badan socdey waxaa uu ka dhacay guriga Sheekh Shariif ee Muqdisho, waxaa uuna yimid kadib codsi uu muddo ka hor soo dhiibtay Fahad Yaasiin ayna ka fariisteen madasha xisbiyada qaran kadibna ogolaadeen is aragga.

Ilo ku dhow kulanka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Fahad uu welwel ka muujiyey xaaladda dalka iyo ismari waaga jira, isaga oo u yimid inuu wax dhageysto, lana socdo waxa laga aaminsan yahay maamulkooda.

Inkasta uu Fahad xilligan hayo jago ciidan ama sirdoon laakin fadhigan billow ilaa dhammaad waxaa lagu jeexjeexay siyaasad sida xiriirka dowladda ee mucaaradka, awood qeysi, xaaladda dowlad goboleedyada iyo shaqada ay tahay in la qabto inta laga gaarayo 2020.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaadey caro ay muujiyeen mid ka mid ah beelaha, oo kulan xasaasi ah ku yeelatay Hotel Lafweyn ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin inta aan loo dhiibin jagadan ciidan waxaa uu ka mid ahaa siyaasiinta laf dhabarta u ah maamulka Nabad iyo Nolol, hadda waxaa uu maalmihii dambe bilaabay inuu la kulmo, oo uu dhageysto bulshada qeybaheeda, arrintaas oo dad badan ku sheegeen tallaabo soo daahday.

Goobjoog News