Sidee Loo Dilay Cali Cabdalla Saalix?

Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalix oo ka baxay magaalada Sanca ayaa gaadiidkiisa wadada loo galay, waxaa la socday kaaliyaha xogheyaha guud ee xisbiga Yaasir Cawaadi, General  Cabdalla Maxamed qowsi iyo wiilkiisa Khaalid Cabdalla Saalix, markii ay soo gaareen tuulada Jaxshi oo u dhaw Sanca ayaa waxaa soo weeraray 20 Tikniko ah oo Xuutiyiinta ah, kadibna nolosha ayaa lagu  qabtay Cali Cabdalla Saalix, gaariga aya laga soo dejiyay, Madaxa ayaa laga toogtay, waxaa sidoo kale la dilay kaaliyaha ururka halka wiilkiisa Khaalid oo dhaawac ah la afduubtay!

Dhinaca, waxaa la la’yahay mas’uuliyiinta ka tirsan ururka, Lama oga halka ay joogaan  xogheyaha guud ee ururka Mu’tamar Caarif Zuuka iyo taliya ciidanka Dhaariq Saalix.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW