U bood dhigaalka

Sidee Loogu Kala Guulaystay Doorashadii 7-aad Ee Xiriirka Kubbadda Cagta Dalka

Sheeko:War

 

Waxa ay aheyd doorashadii 7-aad ee xiriirka kubbadda cagta dalka waxaan markale ku guulaystay C/qani Saciid carab oo horay u ahaa gudoomiyaha ,isagoo iminka sii hogaamindoona afarta sano ee soo aadan

Waxaa kasoo qeyb galay madax ka socotay FIFA,CAF,maamulka Goboleedyada,Hirshabeele,Koonfur Galbeed,Jubaland,Puntland,Galmudug,Gobolka Banaadir  wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo gudooomiyaasha kooxaha kubbadda cagta heerka 1-aad,2-aad iyo 3-aad

C/qani Saciid carab ayaa helay 33-cod oo gacantaaga ah wuxuuna sheegay afartan soo aadan in uu wax badan ka badali doono heerka kubbadda cagta dalka iyo in uu dhameystiridoono howlihii u qorshaynaa

Suleymaan Waaberi oo ah gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Jabuuti kana socday xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAF ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaarto horomar wanaagsan iyagana ay taageeridoonaan is badalka iyo geedi socodka wanaagsan ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya

Gudoomiyaasha xiiirada kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada oo lagu casuumay doorshadan ayaa sheegay in maanta meesha laga joogo laga anbaqaado sanadaha soo aadan ay iyaga  door wacan ku yeelandoonaa doorashooyinka ceeynka oo kale si gobolada ay u gaarto horomarinta kubbadda cagta

Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo horay u ahaa gudoomiye ku xigeynka labaad ayaa afarta ee soo aadan loo doortay  gudoomiye ku xigeynka 1-aad,halka C/llahi Sheekh Nuur Axmed oo isna ahaa sanadihii laga soo gudbay gudoomiye ku xigeynka 1-aad loo doortay gudoomiyaha xigeynka 2-aad waxayna labadooda heleyn min 33-cod,iyagoo si wadajir sheegay in ay ka shaqeyndoonaan horomarinta ciyaaraha wax badan ay soo kordhin doonaan afarta sano ee soo aadan

Waxaaa xubanaha Fullinta loo doortay oo la shaqeyndoona gudoomiyaha iyo ku xigeynadiisa

Abuukar Isloow Xuseen,Cabdisamad Shiikh Qaasim,Yaxye Maxamed Abuukar (Aayoow),Cumar Maxamuud Nuur (Mugaambe)iyo C/laahi Cusmaan Daami horay waxa ay ugu soo qeyb qaateyn horomarinta isboortiga

Bahda ciyaaraha dalka ayaa maamulka cusub ee xiriirka kubbadda cagta ka warsugaya horomaro kala gedisan oo xaga gudaha iyo dibada si dalkeena uu ula jaanqaandoono wadamada ku hormay ciyaaraha

Halkaan Ka Daawo Qaabka Ay U Dhacday Doorashadii 7-aad Ee Xiriirka Kubbadda Cagta

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/441663662904412/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle