U bood dhigaalka

Sidee Madaxda Uga Falceliyeen Go’aankii Rooble iyo Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle

Sheeko:Amniga

Kadib go’aanka ay maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Rooble ka qaateen muddo kordhinta waxaa aad usoo dhoweeyey madax ka tirsan maamul goboleedyada iyo mas’uuliyiin hore oo federaalka ah.

Dowlada Jubaland oo ka hadashay arrinkan ayaa tiri “waxay soo dhawaynaysa go’aanka ay qaateen Dowladaha Galmudug iyo Hirshabeele kaas oo ay ku diideen mudo kororsiga sharci darada ah, Waxaan aaminsanahay heshiiska 17 Sep inuu yahay waxa kaliyah ee laga amba qaadi karo doorashooyin loo dhan yahay oo dalka ka dhaca”

Dhankeeda Puntland oo soo dhoweysay waxaa ay tiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhaweynaysaa Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaan Dowladda Koonfur Galbeed u rajaynaynaa in ay qaataan mowqifkaas la mid ah. Dowladda Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka. Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa qoray sidan “Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay qaateen masuuliyiinta Xukuumadda, Hirshabeelle iyo Galmudug. Waxaan rajo weyn ka qabaa in ay dadka iyo dalka ka badbaadi karaan marxaladda uu ku jiro.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa isna waxaa uu go’aankaas ka yiri “Waxaan si weyn usoo dhaweynayaa go’aanka iyo warka wadajirka ah ee ay soo saareen dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle oo ay mowqif cad ka istaageen, kuna diideen muddo kordhintii sharci darrada ahayd. Waxaan uga mahad celinaynaa madaxda Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle inay nala qaateen talooyinkii iyo xaldoonkii aan in muddo ahba u jeedinaynay, waana go’aan taariikhiya oo loo qaaday dariiqa saxda ah ee dowlad dhiska Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo sii hadlaya “Waxaan markale ku celinaynaa xalka dalkan inuusan ku jirin muddo kororsi iyo xoog wax ku raadin, waxaana ugu baaqeynaa Madaxweynihii hore inuu ka laabto go’aankii khaldanaa oo miirka uu usoo noqdo, islamarkaana wadahadalkii teendhada ee uu ka baxay uu dib ugu soo laabto, si looga heshiiyo doorashada iyadoo la raacayo heshiiskii 17 september 2020.

Ra’isul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid ayaa isna Qoorqoor iyo Guudlaawe ugu mahadceliyey go’aaka ay uga hor yimaadeen muddo kordhinta isaga oo tallaabaas ku tilmaamay mid badbaadisay xiilig, horayna u wadeysa dalka, waxaa uuna soo jeediyey in Rooble oo xukuumadda ah iyo maamul goboleedyada dalka ay hoggaamiyaan marxaladda lagu jiro.

Goobjoog News