U bood dhigaalka

Sidee Madaxweyne Farmaajo Loogu Soo Dhoweeyay Sacuudiga?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta duhurkii waxaa uu gaaray magaalada Dhahraan ee bariga Sacuudiga si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Jaamacadda carabta ee 29aad oo berri oo axad ah halkaasi ka furmi-doona.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweeyay amiirka gobolka bariga Sacuud Bin Nayid, ku-xigeenkiisa Amiir Axmed Bin Fahad Bin Salmaan, xogheyaga guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu-geyth, xogheyaha gobolkaasi Fahad Bin Maxamed, Safiirka boqortooyada ee Soomaaliya Maxamed Khayaadh, Safiirka Soomaaliya ee boqortooyada Daahir Maxamed Geelle, taliyaha saldhigga Boqon Cabdi Casi Ciid Bin Baraak.

Shirkan ayaa sida la shaaciyay waxaa xoogga lagu saarayaa arrimaha Falastiin, Suuriya, Libya iyo in la taageero Lebnon, taageeridda nabadda iyo horumarka Suudaan iyo Comoros , arrimaha kale oo la filayo waxaa ka mid ah arrinta Qudus iyo dagaalka Mareykanka ee Suuriya.

Sanadkan ajendaha laguma soo darin labo qadiyad oo carabta ka taagan, arrinta xiisadda Khaliidka iyo faragelinta Imaaraadka ee arrimaha Soomaaliya.

Goobjoog News