U bood dhigaalka

Sidee Madaxweyneyaasha Xasan iyo Farmaajo ay ugu Kala Adkaadeen 5-ta Bil Ee Kaddib Muddo Xileedkooda Dastuuriga?

Sheeko:Amniga

Maanta waxaa ku eg 4 bil iyo 29 maalin oo ah inta ayaamood ee ay madaxweyneyaasha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu darsantay 4-tooda sano oo dastuuriga ahayd kaddib, 151-kaas maalin oo aan qiimeyn ku sameyn doonno waxaa ku jira kala adkaashiyo hawlo shaqo, casharro iyo cibrooyin, guulo iyo guul-darro iyo arrimo u baahan in la barto si dowladnimada Soomaaliya u sii jirto.

Isbarbardhigga aan maanta qormadan ku sameynay kuma jiro sida labada madaxweyne ay dalka ugu yimaadeen xilliga ay la wareegayeen, oo madaxweyne Xasan waa tii uu u yimid dal federal ah balse ay Puntland keliya jirto, Al-shabaab ay haysato inta badan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, miisaaniyad rasmi ah jirin, IMF iyo World Bank aaney joogin, aan lahayn aqoonsi caalami ah, oo qalfoof uun ah halka madaxweyne Farmaajo lagu wareejiyey dal dunida aqoonsan tahay oo 32 safaarad u shaqeyso, 5 dowlad goboleed oo dhisan, marka laga reebo Jubbada hoose inta kale oo xor ah, miisaaniyado iyo xisaab-xirro 4 sano jiray, barnaamijka deyn cafinta oo socda iyo arrimo kale si uu wax ugu sii daro. 4-tii sano ee Farmaajo joogay wax ma ku daray mise maya? Waa dood iyo qormo maalin kale ah, balse maanta sida aan sheegnay isbarbardhiggu waa 5-tii bil ee muddo xilkeedka labada masúul ugu darsantay iyo mid weliba waxaa ay ku qabteen? Yaase guuleystay?

Heshiiska Doorashada: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu September 10, 2016-kii gaaray iyada oo madasha wadatashiga qaran ay heshiis ku yihiin dhammaan habraacyada doorashada, laakiin madaxweyne Farmaajo 8-dii February 2021-kii waxaa uu gaaray isaga oo maalin ka hor uu shir uga soo baxay Dhuusamarreeb, golaha wadatashiga qaran ugana soo carooday arrimo ay ka mid yihiin Gedo, Somaliland iyo guddi doorasho loo agu muransanaa.

Wareejinta Awoodaha: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu awoodihiisa wareejiyey September 5, 2016-kii, oo inta aanu dhammaan waqtigiisa halka madaxweyne Farmaajo uu sidaasi sameeyey May 1, 2021-kii 83 maalin February 8, 2021-kii, weliba mar ay dagaallo ka dhaceen Xamar oo ciidamo ka gadooday muddo kordhin 2 sano ah oo uu sameeyey ay Villada u jirsadeen hal KM.

Xasillooni Siyaasadeed:  Muddada 4 bil 29-ka maalin ah ee madaxweyne Xasan u raacday ma jirin qalalaaso siyaasi ah, oo dalku nabad u ahaa, wadar oggol ayaa wax walba lagu qabanayey halka madaxweyne Farmaajo uu April 12-keedii sannadkan si iskiisa ah ugu darsaday laba sano, isaga oo halis geliyey dalka iyo naftiisa, natiijada ka dhalatayna ay sababtay kalsooni la’aan illaa hadda jirta. Farmaajo February 19, 2021-kii waxaa uu xabbadeeyey musharraxiin dibadbax dhigayey, illaa hadda uu 5 bil ku darsadaydna aan la ogeyn goorta la dooran doono Senetorka ugu horreeya baarlamaanka 11-aad.

Shaqada Doorashada: Madaxweyne Xasan Sheekh bil kaddib markii muddo xileedkiisu dhammaaday, yacni October 15, 2016-kii waxaa la doortay Senatorkii ugu horreeyey ee baarlamaanka federaalka ah halka xilliga Farmaajo la dhisay guddiga doorashada dadban June 19, 2021-kii.

 Dowlad is-oggol: Madaxweyne Xasan Sheekh, 5-ta bil ee kaddib muddo xileedkiisa waxaa jiray is-oggol labada heer ee dowladda federaalka ah, waxaana heshiis ahaa madaxweynaha JF iyo madaxda dowlad goboleedyada halka madaxweyne Farmaajo aaney isa salaamin labo ka mid ah maamul goboleedyada sida madaxweyne Deni iyo madaxweyne Madoobe.

Dhammeystirka Xulista: Maanta oo kale oo 151 beri ay raacday muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qabsoomay doorasho ay ka qeyb galeen 135 odey, oo soo xulay in ka badan 14 kun oo ergo doorasho ah oo dooratay 275 ka tirsan golaha shacabka iyo weliba in 400 ka badan oo baarlamaannada dowlad goboleedyada oo doortay 54 Senetor oo BF halka maanta iyada oo madaxweyne Farmaajo uu ku darsaday 5 bil aan lahayn odeyaal iyo ergo midna.

Dhammeystirka doorashada Baarlamaanka: Madaxweyne Xasan Sheekh, 5 bil kaddib muddo xileedkiisa waxaa uu dalku lahaa labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah oo ka kooban 329 xubnood.

Doorasho Madaxweynaha Xiga: Madaxweyne Xasan 151 maalin gudahood waxaa uu ku guuleystay in ay tartamaan in ka badan 20 musharrax oo madaxweynenimo, iyada oo doorashada uu qabtay uu kusoo baxay Farmaajo, laakiin isla muddadaas oo maanta ku beegan, madaxweyne Farmaajo far ma dhaqaajin, waxaa la billaabi la’yahay doorashada.

W/D: Cabdicaziz Gurbiye

Goobjoog News