Wafdi ka socday dowladda Federaalka , UNOCHA iyo hey’ado kale ayaa isniintii booqday Beledwayne ee gobolka Hiiraan  halkaas oo ay ka taagan tahay dhibaato la xiriirta fatahaada wabiga Shabelle oo dad badan ay ku barakaceen.
Waxaa wafdigan horkacayey wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooynka ee dowladda federaalka ah iyo hey’adda UNOCHA oo horbodeysay ilaa iyo 7 qeybood oo hey’adaha bini’aadanimada qaramada midoobay hoostaga Sida: Cluster ama qeybta Cuntada, Caafimaadka, Nafaqada, Hoyga iyo Waxbarashada, waxaana markii ay halkaas gaareen kulamo la yeesheen hey’addaha gobolka ee iyo kuwa caalamiga ah ee gargaarka ka shaqeeya iyo sidoo kale  Maamulka Gobolka Hiiraan.
Masuuliyiinta wafdiga UNOCHA ayaa  ujeedkooda waxa  uu ahaa in  ay soo qiimayaan xaalada Beledwayne halkaas oo ay ku barakaceen dad lagu qiyaasay 50.000 oo qof, waxaana ay warbixin ka dhageeysteen maamulka gobolka kaasoo sheegay in howlaha gargaarka ee la qabtay ay tahay ilaa hadda 40% taasoo ka dhigan dhibaatada musiibadu inay badan tahay.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin ayaa sheegay in xaaladda Qoysaska uu saameyay fataahada wabiga Shabeelle ay tahay  mid aad u liidata, loona baahan yahay in gurmadka la soo  gaarsiinayo la sii xoojiyo.
UNOCH ayaa ka mid ah hey’adaha sida isdaba jooga ah uga wada howlaha gurmadka magaalada Baladweyne iyo deegaanada ku hareereesan ilaa iyo 28-kii april markii ay ku dhifteen fatahaadaha webiga shabeele.
UNOCHA waxaa howlahan banii’aadnimada ku wehliya hey’adaha WFP, UNICEF, UNHCR iyo WHO, kuwan oo dhammaantood hoggamiyo qeybo kala duwan ee gargaarka.
Goobjoog News
Sawirro U Gaar Ah, Goobjoog News