U bood dhigaalka

Sidee u Heli Kartaa Mobile Guriga Kaaga Lumey Isagoo Silent ama Aamusan.

Waxaa jiro dad badan oo jecel in Mobilkooda saaran Silent ama aamusnaan, kooxdan ma jecla qeylada soo dhicista Mobilka, lakin dhib kale ayey qabaan, inta badan waxaa ka lumo Mobilka, oo maanta oo dhan raadis ayey ku jiraa.

Dadka Jecel in Mobilka Silent ka dhigaan, Haddii uu idiinka lumo waxaa la idiin hayaa waddooyin aad ku heli kartaan oo aad u sahlan.

Mobilka waxaad ka wacdaa Telefan ama Mobil kale.

Shid Raadiyaha, oo Ka Raadi Meel Walba oo Guriga Ka Tirsan

Marka ay Raadiyaha iyo Mobilka isku dhawaadaan, waxaad maqli doontaa codad iyo guux, sidaas ayaad ku heli kartaa Mobil guriga kaaga lumay isagoo Silent saran.

Tilaabadan waxaa laga yaabaa in aad horay u maqashay ama xitaa aad sameysay lakin Maanta waxaan kuu sheegayaa in Shirkadii Mobillada soo saaray ay sidaa qorayaan in wax lagu raadiyo.