U bood dhigaalka

Sideen “Taariikhdeenna” u Akhrinaynaa?

Sheeko:Dalka

Taariikhda Soomaalida sal iyo baar, bilow iyo dhammaad, gumaysidiid iyo gobannimadoon, dawladnimo iyo burbur, dibucurasho iyo hanaqaad, waxa ay ku dhisaalan tahay QABIIL!

Qabiilku Soomaalida waxa uu ugaga jiraa dhuuxa hoose iyo inta u dhex leh ludda iyo lafaha. Si fog buu dhiiggooda ugugu milan yahay. Sida uu I. M. Lewis qabana diintooda kowaad waa QABIIL.

Waxa adag in QOF SOOMAALI ah uu ka la saar(t)o, waxa dan QARAMEED ah iyo waxa dan QABIILEED ah. Sababta oo ah buu u arkaa: qaranku waa qabiillo uu qabiilkiisa ugu MUDAN yahay ama e uu ugu LAANDHEERAYSAN yahay. Danta qabiilkiisa ayaa ka la WEYN midda qarankiisa, sababta oo ah buu aaminsan yahay: qabiilku waa lamahuraanka cawska jiilaal ah oo kale. (Sida jirtana, dhab ahaan, ma uusan helin nidaam dawladeed oo uu kaga maarmi karo baahida qabiilkiisa u haysa ee caymis leh ee ilaalin leh ee difaacid leh!)

Inta aynaan wax kalaba u tagin ma leennahay wax aan ku sheegi karno “taariikhdeenna” oo innoo dhexeeya ummad Soomaaliyeed ahaan? Ma leennahay wax aan wada ilaashanno oo aan wadar-oggol ku wada nahay? Idinka ayaa ka jawaabi doona. (Waxa kale oo iyadana muhiin ah in dib loogu noqdo qeexitaanka SOOMAALINIMADA iyo weydiinta ah: ku maa Soomaali ah oo maxaa lagu Soomaaliyoobayaa?)

Haddaba, sideen u akhrinaynaa ama u qoraynaa “taariikhdeenna”?

1. Halgankii Daraawiish amaamudkiisii “taageero” qabiil buu ku bilowday, maaddaama si kale oo loo tabantaabin karay aanay jirin. Qabiilo-la-dirir baa u xigtay ilaa markii danbe uu u curyaamay (arrinkan oo uu dhab ahaan “hurnaa”).

Maanta marka la rabo in Daraawiish oo u taagnayd “halgan ummadeed” loo taariikheeyo ama taariikhdeeda la akhriyo waxa judhiiba gaar u sheeganaya DARAAWIISHNIMADA qabiil(lo) gaar ah. Isla xagal kale waxa DARAAWIISHNIMADA ka yalaalugoonaya qabiil(lo) kale oo u arkaya “halgan qabiileed” oo lagu dulmiyay qabiil(lo) kale, iyada oo laga faa’iidaysanayo awood WEYN oo gashay gacan reer(o) ay is-hayeen.

2. Halgankii ururradii gobannimadoonka ee ay SYL u mudnayd waxa macnaha ka tiray waa “doonis qabiil” oo ay marar badan ku sidkanayd “doonis shisheeye!” (Si ay taasi kuugu caddaato bal soo dhugo bilowgii SYL iyo dhammaadkeedii halka uu ku danbeeyay!)

3. Curashadii dawladnimada Soomaalida oo ku ka la indhaqaadday isriixriixii reereed ee Soomaalida u dhexeeyay. Taas oo keentay in la yagleelo dawladnimo “qabiil” ku dhisan oo aan “qaran” ku dhisnayn. Waa maxay farqiga labadan cunsur u dhexeeya? Farqiga u dhexeeya waa: 1) dawladnimada “qabiilka” ku dhisani ma xeeriso kee baa aqoon leh, karti leh, qaranka u danaynaya ama “danta guud” u “dan” ah ee waxa ay xeerisaa “raalligalinta qabiillada”; 2) dawladnimada ku dhisan “qarannimada” waa mid ka korran “rabitaan reereed” oo ka korran “dan qofeed” oo aan oggolayn in la isku hawlo “raalligalinta beelaha”—dawladnimadaas oo mabda’eedu yahay “yaa maali jirayeey” iyo “ku maa ku habboon!”

Soomaali ahaan DHEEFTA qabiilka ayaan si wacan u naqaannaa beddelka WAXTARKA qaranka, taas oo keentay in aynaan ku tallamin ka la doorashooda.

3. Dibucurashadii dawladnimada Soomaalida oo dhibta ugu weyn loo fahmay in ay tahay qabiil la “huursanayo” oo misana la “hagooganayo!” Iyada taas laga duulayo ayaa waxa kalkan dawladnimada Soomaalida lagu dhisay “hannaan qabiileed” oo 4.5 ah oo sida dhabta ah aan “xaq” ahayn e “xal” ah.

Isku soo xoori oo Soomaalidu ma laha wax MID ah oo ay WADAJIR u ilaashato (ama e waa DHIF!) Halyey ay wada okoban tahay ma jiro. Halgan ay wada oggoshahay ma jiro. Wad uun! Sidaas daraaddeed waa weydiin taagan oo taagnaan doonta su’aasha aan qoraalkaygan ku bilaabay: SIDEEN TAARIIKHDEENNA U AKHRINAYNAA?

WQ: Aar Aw Fiqi