U bood dhigaalka

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Oo La Kulmay Guddiga Loo Magacaabay Baarista Shaqaaqadii Ka Dhacday Xabsiga Dhexe

Sheeko:Amniga

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka,Mahadi Maxamed Guuleed,ayaa kulan la qaatay guddiga loo magaacay inay baaris dhammeystiran ku sameeyaan shaqaaqadii maalin kahor ka dhacday xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlay sameynta baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii Xabsiga dhexe, si loo helo warbixin dhammeystiran oo go’aan lagu qaadan karo, ayaa lagu magacaabay guddi Farsamo oo guddiga kala shaqeeya fududeynta baarintaanka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa guddiga kula dardaarmay inay baaritaanka kusoo gebagebeeyaan 10-ka maalin ee loo qorsheeyay lagu soo saaro natiijada baaritaanka.

Halkan Ka Daawo Wixii Ka Soo Baxay Kulanka

Goobjoog News