U bood dhigaalka

Siidii: Ciidamada huwanta waxa ay ku sii jeedaan degmada Baraawe

Sheeko:Dalka
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii

Guddoomiyaha gobolka SHabeella hoose ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka saareen inta badan degmooyinka gobolkaasi, isla markaana ciidamada iskaabaya ay ku wajahan yihiin magaalada Baraawe ee gobolka SHabeellaha hoose.

Guddoomiyaha gobolka SHabeellaha hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM guulo ay ka gaareen sida uu warka u dhigay dagaaladii ay la galeen xarakada Al-Shabaab.

Siidii waxa uu yiri “Ciidamada dowladda kuma ekaan doonaan halka maanta ay joogaan ee waa ay ka sii dhaqaaqi doonaan”.

Ciidamada AMISOM iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla shalay gaaray Kuntur-waareey.

Dorraad ayay ahayd markii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Buulo mareer ee gobolka SHabeellaha hoose.