U bood dhigaalka

Sirdoonka Jubbaland Oo Kismaayo Ku Soo Bandhigay Qaraxyo

Sheeko:Amniga

Ciidamada Sirdoonka dowlad goboleedaka Jubbaland ayaa soo bandhigay walxaha qarxa iyo rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-shaab, kadib howlgallo 24-kii saac ee tagay ay ciiodamadu ka wadeen magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, waxlxaha  qaraxyada ah ee la soo bandhigay  ayaana u badnaa Bombooyinka gacanta laga tuuro.

Qoraal ka soo baxay taliska sirdoonka Jubbaland ayaa lagu yiri” Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miino oo ay kooxda  Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan agaa suuqa sariiraha” ayaa lahu yiri.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay  intii uu howlgalku socday in la soo qabto rag ka tirsan Al-shabab sida ay hadalka u dhigeen “Sidoo kale ciidanka Nabad Sugidda hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi waxaa ay gacanta ku soo dhigeen  Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba waxaana ay qirayaan ragani in ayagoo hawsha Gacanta kula jira ay ciidanka Nabad Sugida soo qabteen. ayaa lgu yiri qaraalka ka soo baxay Sirdoonka.

Ciidamada sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa maamlmihii tagay howlgallo kala duwan ka waday xaadaha magaalada Kismaayo, kaas oo lagu xaqiijinayo amniga iyo deegaanada hoos yimaada magaalaga kuna teedsan dhanka webiga Jubba ee gobolka Jubbada hoose, ciidamada ayaana xusay in howlgalkaan lagu xiijinayo amniga.Image may contain: 1 person, closeupImage may contain: 1 personNo photo description available.

Image may contain: food

No photo description available.

Goobjoog News