U bood dhigaalka

Sisi Oo Masar Ku Soo Rogay Xaalad Degdeg Ah

Sheeko:Dalka

Maxaxweyanha waddanka Masar CabdiFitaax Al-siisii ayaa sheegay in waddanka uu ku soo rogayo xaald degdeg ah ka dib markii qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Iskandariya ee bartama waddankaasi qaraxyadaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 44 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 kale.

Qaraxyadaan ayaa waxaa lala beegsaday dad dabaal degayay kuwaas oo iskugu soo baxay magaalada Iskandariya,waxaana mas’uuliyadda weeraradaan sheegtay ururka Daacish.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xaaladdaan degdegga ah ay soconayso ku dhawaad 3 bilood,isagoo hordhigay arrintaani golaha difaaca qaranka waddankaasi.

Waddanka Maar waxa uu goobjoog u noqday mowjado weeraro hubaysan ah tan iyo markii ay ciidamada waddankaasi ay rideen madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi kaasi oo ka tirsanaa ururka la dhaho Iqwaanul muslimiin.

Tan iyo wixi ka dambeeyay casilaadii mursi waxaa waddanka ka dhacayay qaraxyo iyo weeraro lagu qaadayay saldhigyada ciidamada dowladda masar,waxaana inta badan sheegta Mas’uuliyadda weerarada ururka Daacish.

Goobjoog News