U bood dhigaalka

Siyaasi Axmed Ducaale “Baarlamaanka Dusha Ayuu Ka Daawaday Dhibaatada AMISOM Dalka Ku Hayso”

Sheeko:Dalka

Siyaasiga  Axmed Faarax Ducaale  ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in Barlamaanka Dowlada Federaalka uu  dusha ka daawado dilalka Ciidamada AMISOM ay  u gaystaan dadka Soomaaliyeed

Isagoo u waramay Goobjoog News ayuu sheegay in dalka uu ku jiro xaalada jahwareer ah, islamarkaana Baarlamaanka Soomaaliya ay ahaayeen kuwa dalka wax badan ka qaban lahaa marxaladda uu ku jiro.

“Waa Nasiib Daro in Maanta Ciidamada Ethiopia ay saldhiga wayn  oo xagga sirdoonka ah ku leedahay Madaxtooyada Soomaalia, sidoo kale AMISOM tacadiyo ayeey dalka ka sameeyeen, Baarlamaanka inuu dusha ka daawado waa nasiib darro” ayuu yir Ducaale.

Dhinaca kale siyaasigaan ayaa mar uu soo hadal qaaday xaaladda gobalka Gedo, waxa uu tilmaamay in ciidamada Itoobiya ay gabi ahaanba calankii Soomaaliyeed ee saarnaa degmada Garbahaarey tureen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalkaan ayuu sheegay in uu kasoo xiganayo maamulka degmada Garbahaarey, waxaana uu tilmaamay in taasi ay ka caroodeen Odayaashii iyo dadka deegaanka oo diiday in Calanka la dejiyo.

Ugu dambeyn Siyaasi Axmed Faarax Ducaale ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in ay il gaar ah ku hayaan xaaladda ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ee dalka ku sugan.

Goobjoog News