U bood dhigaalka

Siyaasi C/raxmaan Daqare “Madaxda Soomaalida Khilaafkooda Haku Xalliyaan Dalka Gudahiisa”

Sheeko:Dalka

C/raxmaan Daqare oo ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ugu baaqay madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in wax walbo oo ay kala tabanayaan muhiim ay tahay dalka iney ku xalliyaan.

Wuxuu sheegay iney ka xun yihiin in shirar ka dhan ah dowladda dhexe lagu qabto Kenya oo uu sheegay in ay tahay cadow Soomaaliyeed.

Daqare ayaa sheegay in dowladda qudaheeda looga baahan yahay iney sameyso tanaasul iyo iney aqbasho in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay si xor ah aragtidooda u cabiraan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News