U bood dhigaalka

Siyaasi Cabdi Barre “Musuqa Kaliya Ma Ahan In Lacag La Lunsado” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Siyaasi Cabdi Barre ahna xildhibaan hore ayaa ku eedeeyey xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre in qarashaad ku bixinayo sidii ay wasiirada aan xildhibaannada ka midka ahayn u heli lahaayeen kursi Baarlamaan.

Waxa uu sheegay siyaasigan in musuqa aanu ahayn oo  kaliya lacag la lunsado ee sidoo kale musuqa qeyb ka yahay kuraasta lacagaha badan lagu bixiyo.

Cabdi Barre ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan lacago badan oo uu sheegay in musuq lagu sameeyey walibana ay dowladda si qaldan u adeegsatay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News