Siyaasi Cabdi Xaashi “Madaxweynaha Haka Fiirsado Cidda Uu Ra’iisul Wasaare u Magacaabayo” Dhageyso

Siyaasiga Soomaaliyeed Cabdi Xaashi Cabdisalaan ahna gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu ka fiirsado Ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono.

Waxa uu sheegay Siyaasigaan isaga oo lasoo xiriiray Goobjoog in Madaxweynaha uu soo magacaabo shaqsi ay aad isku fahamsanyihiin, islamarkaana aanu imaan khilaaf ilaa inta laga gaarayo hiigsiga 20160-ka.

“Cabdiweli waxa uu ahaa Ra’iisul wasaarihii Labaad ee Kalsoonida lagala laabto, dadkana baqdin kale ayeey sii qabaan, si taas looga gudbo madaxweynaha waxa uu haystaa fursad ah inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare ku aragti ah, kaas oo shaqo wanaagsan wada qabtaan ilaa hiigsiga 2016, laakiinse hadii ay dhacdo in hadane uu soo magacaabo shaqsi kale oo ay kala aragti yihiin, taasi waxay keeni doontaa niyad jab mar kale shacabka soo wajaho” ayuu yiri siyaasi Cabdi Xaashi.

Dhinaca kale siyaasigaan ayaa tilmaamay in khilaafkaan soo laab laabtay looga bixi karo iyadoo wax badan laga bedalo Dastuurka KMG ah ee dalka u yaala, iyo sidoo kale in laga baxo hanaanka qabiilka ee wax lagu soo dhiso, loona gudbo qaab Xisbi ah.

Dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu codka Kalsoonida ah kala laabtay xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh looga fadhiyo inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare cusub.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply to when will generic cialis be available Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW