U bood dhigaalka

Siyaasi Cabdulaahi Sheekh Xasan oo madaxda dowladda ugu baaqay in deg deg ay ku xaliyaan khilaaka dhexdooda ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Siyaasi Abdullahi Sheikh Hassan ayaa ku sheegay war uu bixiyay maanta oo Isniin ah, in Golaha baarlamanka Soomaaliya looga baahan yahay si deg deg ah inay u xaliyaan qilaafka u dhaxeeya Labada Mas’uul ee dalka ugu sareeya.

Cabdullaahi Sheekh waxa uu sheegay in qilaafkan hadda jira aanu xal u ahayn umadda Somaliyeed, isagoo ku baaqay in baarlamanka uu qaado talaabada ugu wanaagsan ee lagu idlayn karo kala fikir duwanaanta jirta .

Siyaasiga ayaa sidoo kale sheegay in Ampassador Nicolas Key uu u gafay Baarlamaanka Dalka waa sida uu yiri, isagoo sheegay in Mr Key uu ka dheeraynayo xadka howsha uu uga wakiilka yahay QM .

Hadalkaan Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa imaanaya xilli uu jiro khilaaf ka dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh, waxaana dhanka kale saacadihii ugu dambeeyay jiray hadal hayn ku aadan warqado is dhaaf ah oo kasoo kala baxay Kay iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Todobaadkii hore xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo soo gaaray Muqdisho, waxa uu sheegay in Soomaaliya xilligaan aysan qilaaf xal u ahayn oo loo baahan yahay horumarinta dalka iyo in la gaaro hiigsiga 2016 , ee lagu balansanyahay in dalka uu gaaro doorasho qof iyo codkiisa ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Wariyaheena Munasar Maxamed Cabdi oo warkaan diyaariyay.

Goobjoog News