U bood dhigaalka

Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Oo La Sii Daayey

Sheeko:Dalka

Waxaa habeenkii xalay ahaa lasii daayey siyaasi C/raxmaan Cabadi Shakuur Warsame oo u xirnaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dedaal badan oo ay sameeyeen Xildhibaanno, siyaasiyiin, waxgarad, odoyaal dhaqameed, madaxweynaha Galmudug, kan Hirshabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu guuleystay in qaab damaanad ahaan loo soo daayo C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa si kooban wuxuu barta uu ku leeyahay Facebook ugu xaqiijiyey in lasii daayey Siyaasigan.

Shakuur waxaa ka muuqdo dhaawac gacanta midig kasoo gaaray, kadib markii ciidanka dowladda ay ku weerareen hoygiisa xilli habeen ah, waxaana halkaasi ku dhimatay Shan askari oo kamid ahaa ilaladiisa.

.Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News