U bood dhigaalka

Siyaasi dowladda ku dhaliilay qaabka ay u wado shirka maamul u sameynta gobolada dhexe

Sheeko:Dalka

Siyaasi Soomaaliyeed ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay qaabkii loo wajahay qorshaha shirka lagu dhisayo maamulka lagu mideynayo Mudug iyo Galgaduud.

Cabdi Xaashi Cabdi Salaan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in qaabka loo wajahay shirka ka furmaya cadaado uusan ahayn mid qancinaya beelaha Soomaaliyeed ee wada dega gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Waxa uu intaasi raaciyay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay mas’uuliyad ka saarantahay isu keenida beelaha wada dega gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in xukuumaddu ay waddo qaldan mariyaan guud ahaan qorshaha shirka dhismaha maamul goboleed loo sameeyo gobolada dhexe ee dalka isaga oo ku baaqay in is bedal lagu sameeyo arrimahaasi.

Waxa uu xusay in qabqabsi iyo muran uu imaanayo hadaysan dowladdu la xiriirin dadka talada ay ka go’do ee gobolada dhexe.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Xaashi: