U bood dhigaalka

Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan oo soo dhaweeyay qoraal dhawaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ahaa xubnihii u ololeenayay maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda gobal, sidoo kalena u doorteen Madaxweyne ku xigeen ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo qoraal dhawaan Ra’iisul wasaaraha uu soo saaray, kaa oo ku aadan in wada tashi la sameeyo, xubno ka mid ah mas’uuliyiintii waday dhismaha maamulka Sedaxda gobalna loogu yeeray magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Maxamuud Sayid in maamulka Lixda gobal uu yahay mid juhdi badan la geliyay xilligii la dhisaayay, waxaana uu sheegay sidaa darteed in xaq ay u leeyihiin in tix gelin gaar ah la siiyo.

Ra’iisul wasaaraha ayuu sheegay hadalkaan kasoo yeeray inuu yahay mid keeni kara in la xaliyo waxyaabo badan oo jira, isagana uu soo dhaweynayo ka siyaasi ahaan, wax walba oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka jira magaalada Baydhaba.

Magaalada Baydhaba waxaa ka socda shir lagu dhisaayo maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda gobal, waxaana shirkaasi soo furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka ay jiraan siyaasiin sameystay maamul, kaa ku magac ah balse ay sheegeen in Lix gobal uu maamulaayo.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka siyaasi Maxamuud Sayid Aadan.

Goobjoog News