U bood dhigaalka

Siyaasi Salaad Cali Jeelle “Goobjoog Waxaa Laga Rabaa In Musuqa Soo Saarto”

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo xilal kala duwan dalka kasoo qabtay ayaa hadal ka jeediyey munaasabadda loogu dabaaldegayo Sanadguurada Afaraad ee Goobjoog ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan munaasabaddan.

Waxa uu hambalyo u diray maamulka iyo shaqaalaha Goobjoog, waxaana uu Goobjoog ku amaanay sida ay xoogga u saarto soo bandhigista dadka u baahan in codkooda banaanka la keeno.

Waxa uu Goobjoog kula dardaarmay inay inay bannaanka keento dhammaan wax walbo oo musuq ah maadaama magaceedu yahay Goobjoog waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Goobjoog waxaa laga rabaa inay musuqa soo saarto waayo iyadaa meel walbo joogto, waxaan u arkaa in dad badan oo codkooda qarsanaa ay bannaanka keento” ayuu yiri Salaad Cali.

Madax badan ayaa ka qeybgalaysa munaasabadda loogu dabaaldegayop Sanadguurada 4-aad ee Idaacadda Goobjoog.

Goobjoog News