U bood dhigaalka

Siyaasi sheegay in lacagaha beesha caalamka siiso dowladda lagu bixiyo howl galka AMISOM (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Siyaasi Idiris Xasan Faarax oo ku sugan dalka dibadiisa ayaa sheegay in qarashaadka wadamada caalamka ugu yaboohaan Soomaaliya lagu bixiyo howl galka ciidamada midowga Afrika ee AMISOM iyo sidoo kale howl gallada lagula dagaalamo burcad badeeda soomaalida.

Idiris ayaa meesha ka saaray in lacagahaasi Soomaaliya loo ballan qaaday marnaba aan dalka la soo gaarsiin, wuxuuna sheegay in lacagtaasi timaado laguna bixiyo wax walba oo Soomaaliya laga sameynayo.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray hadalkii dhowaan ka soo yeeray madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in weli caalamka aysan si dhab ah u fulin ballan qaadkii ay sameeyeen.

Beesha caalamka ayaa dhowr shir oo loo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya u ballan qaaday lacago kor u dhaafa 1 Bilyan oo dollar.

Ciidmada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka tirsan shaqaalaha dowladda ayaa ku cawda in mararka qaar aysan helin musharaadkooda.

Hoos ka dhageyso codka Idiris Xasan Faarax: