U bood dhigaalka

Siyaasi sheegay qaabka ugu haboon ee lagu xalin karo khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay qaabka ugu haboon ee xilligaan sida ugu dhaqsiyada badan loogu xalin karo khilaafka xoogan ee ka dhaxeeya madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Siyaasi Maxamed Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa soo jeediyay khilaafka iminka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya lagu xaliyo dastuurka dalka u degsan, isaga oo sheegay in wax walba sharciga uu ka weyn yahay.

Sidoo kale Mr Aadan ayaa tilmaamay in khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ka dhaxeeyo uu dalka u horseedi karo bur bur iyo kala qeysanaan, iyo dib u dhac ku yimaada howlaha looga fadhiyo dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale siyaasigaan ayaa fool xumo ku tilmaamay in xildhibaanadii qaranka ay ku mashquuleen nin jecleysi halkii ay badbaado u noqon lahaayeen dowladnimada iyo hannaanka qaran ee Soomaaliya.

Waxa uu xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan isku soo dhaweynta Madaxeyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Axmed si howlaha hay’adaha dowladda aysan habacsanaan u galin.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News