U bood dhigaalka

Siyaasi Si Kulul Uga Hadlay Khilaafka Inta Badan Soo Kala Dhex Gala Madaxda Soomaalida (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gobolada_SomaliaDr Xasan Cabdi Khaliif oo ka mid ah Siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa si kulul waxa uu uga hadlay khilaafka inta badan soo kala dhex gala madaxda Soomaalida, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Siyaasigaan oo soo booqday Xarunta dhexe ee Goobjoog Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo badan, waxaana uu sheegay marka hore in khilaaf aanu dalka wanaag u keeneeyn in dib u dhac uu keeno.

Waxa uu sheegay in xilli walba oo khilaaf soo kala dhex gala madaxda dalka ay keenayso in shaqooyinkii hay’adaha dowladda ay istaagaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Siyaasiga Soomaaliyeed ayuu ku sheegay inuu yahay kan kaliya ee siyaasad ahaan waajib ka saaran yahay in dalka oo dhan uu wax ka qabto, hadii uu xil qabtana looga baahan yahay isbedal dhab ah iyo daacadnimo.

Mr Khaliif ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay hogaamiyayaal uu ku sifeeyay in ay noqdaan kuwo wadaniyad iyo shaqsiyad leh waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu ugu baaqay dhamaan madaxda dalka in hadii ay dhacdo khilaaf dhanka shaqada ah oo dhex yimid inay isku tanaasulaan, ayna eegaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Mar uu soo hadal khaaday xaaladda xilligaan uudalka marayo ayuu sheegay in ay tahay khatar siyaasadeed, loona baahan yahay in laga dhiidhiyo ayna istaagaan dadka muwaadiniinta ah.

Ugu dambeyn Dr Xasan Cabdi Khaliif oo ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed waxa uu ku baaqay in deg deg wax looga bedalo Dastuurka KMG ee dalka u yaala, waxaana uu sheegay in la helo sharci adag oo kala xadida awoodaha madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News