U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Diinaari Oo Ku Biirey Musharixiinta Badan ee Isu Soo Taagey Madaxweynenimada Maamulka Gobolada Dhexe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DiinaariC/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in uu yahay Musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka loo dhisayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

“Aniga xilkaan kuma tala jirin balse dad aan saaxiibo nahay iyo siyaasiin ayaa igula taliyay in aan xilkaan usoo istaago, si aan wax badan ugu qabto bulshada, waxaan kasoo bixi karaan hogaankaan aan rabo inaan qabto, waxaana hubaa in shacabka aan isku keeni karo” ayuu yiri Diinaari oo Goobjoog u waramay.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka la filayo in loo dhiso mudug iyo Gal-gaduud ayaa sii kordhaya, waxaana horay u sheegay in ay musharaxiin yihiin siyaasiin kasoo jeeda gobaladaasi.

Dhawaan waxaa degmada Cadaado ka furmi doona shir balaaran kaa oo ilaa iyo xilligaan qaban qaabadiisa socota, waxaana shirkaasi lagu dhisi doonaa maamulka KMG ah, kaa oo ka arimin doona gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga.

Goobjoog News