U bood dhigaalka

Siyaasiyiin Ka Digay Khilaaf Dhex Yimaada Xildhibaanada Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda Federaalka, kaasi oo ay u arkeen mid keenaya khilaaf mudanayaasha ah.

Shariif Roobow oo ka mid ah siyaasiyiintaan,sidoo kalena ah falanqeeye dhanka siyaasadda ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay kala aragti duwanaanshahaan.

Mooshinka ka yaalla madaxweynaha ayuu sheegay in loo baahan yahay in loo maro qaabnka sharciga ah, islamarkaana aan la carqaladeyn hanaanka la hiigsanayo ee 2016-ka.

Sidoo kale siyaasigaan ayaa sheegay in xildhibaanada Baarlamaanka uu waajib ka saaran yahay ogaanshiyaha dalkan, ayna yihiin sharci dejintii sidaa darteedna aysan muran iyo is qabsi ka keenin mooshinka yaalla Baarlamaanka.

Cid walba oo qalad lagu arko ama lagu tuhmo ayuu sheegay inuu waajibka yahay in lala xisaabtamo, isaga oo si gaar ah xildhibaanada soo jeedinta keenay inay dib isku qabtaan oo ay mooshinka sida sharciga ah uga doodaan.

Xildhibaano gaaraya 93 ayaa guddoonka baarlamaanka Soomaaliya waxa ay u gudbiyeen mooshinka ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, halka xildhibaano gaaraya 126 mudane ay iyaguna guddonka u gudbiyeen qoraal soo jeedin ah, kana dhan ah mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha.

Goobjoog News