U bood dhigaalka

Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Puntland Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka Boosaso

Sheeko:Amniga

Qaar kamid ah siyaasiyiinta miisanka leh ee ka soo jeeda dowlad gobaleedka Puntland ayaa ku baaqay in ay nabadda qaatan ciidamada ku dagaalamaya magaalada Boosaso.

Xubnaha  baaqa soo saare oo ay ku jiraan mas’uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabatay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland ayaa taageray xabad joojinta ay codsadeen maamulka Puntland.

Siyaasoyiintaan oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda Boosaso ayaa sheegay in xabaddu aan xal marnaba noqon.

Hoos ka akhriso baaqa nabadda ee siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland.