U bood dhigaalka

Siyaasiyiin Kasoo Horjeeday Maamulka Jubbaland Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Kismaayo (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, waxaa lagu soo dhaweeyay xubno siyaasiyiin ah, kuwaasi oo horay uga soo horjeeday maamulka Jubbaland.

Siyaasiyiintaan oo ay ka mid yihiin Maxamuud Sayid Aadan iyo Aw-libaax ayaa magaalada Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo xubno kale oo maamulkaasi ka mid ah.

Siyaasiyiintaan ayaa markii hore aragti ahaan kasoo horjeeday Jubbaland, hase ahaatee waxaa heshiis lagu gaaray degmada Doolow ee gobalka Gedo, inkastoo heshiiskaasi qeylo ay ka daba timid.

Wada hadal ka dib ayaa lagu qanciyay inay tagaan magaalada Kismaayo, waxaana ay la kulmi doonaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Jeneraal Fartaag oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshiyaha xubnahaan, isaga oo tilmaamay in midaasi ay muujinayso guul ay gaartay Jubbaland.

Hoos ka daawo sawirada

K13 K12 K11 K10 K9 K8 K7 K6 K5 K4 K3 K2 K1

Goobjoog News