U bood dhigaalka

Siyaasiyiin Ku Sugan Cadaado Oo Ku Taliyay In Khilaafyada Ka Jira Maamulka Galmudug Lagu Dhameeyo Wada Hadal

Sheeko:Dalka

Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Cadaado ee gobalka Galaduud ayaa qaarkood waxa ay ku taliyeen in wixii khilaaf ah ee ka jira maamulka Galmudug lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad.

Maxamuud Guure Guuleed oo ka mid ah siyaasiyiintaan ayaa u sheegay Goobjoog News in marka hore maamulka Glamudug looga baahan yahay inuu dhameeyo mad madow walba oo ka jira gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Waxa uu sheegay Siyaasigaan in shaqo badan ay hortaallo maamulka Galmudug, islamarkaana laga doonayo in maslaxadda shacabka meel walba uu u galo.

“Shaqo badan ayaa hor taalla maamulka Galmudug, waxaan leeyahay u istaaga sidii aad shacabka ugu daneyn lahaydeen, sidoo kalena waa in aad marka hore meesha ka saartaan mad madowga jira” ayuu yiri Siyaasigaan.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday arrinta ku aadan khilaafka Ahlu-sunna iyo maamulka Puntland ayuu sheegay in ay tahay arrinta ugu weyn ee hadda uu wajahayo maamulka Galmudug, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo dersinimada iyo midnimada.

“Puntland iyo Ahlu-sunna waxaan leeyahay ha u arkina Galmudug wax diinka dhibaato idiin keenaya, waxaan la idiin kaga baahanyahay inaad taageertaan, Puntland waxaan si gaar ah u leeyahay ilaaliya wanaaga iyo derisnimada” ayuu hadalkiisa ku daray Siyaasi Maxamuud Guure.

Maamulka Galmudug waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay ugu horeyso wada hadal uu la galo Ahlu-sunna Waljameeca iyo Puntland.

Goobjoog News