U bood dhigaalka

Siyaasiyiin ku sugan gobolka Hiiraan oo ku baaqay joojinta dagaalka Deefow

Sheeko:Dalka

Siyaasiyiin iyo wax garad ku shiray magaalada Beledwayne ayaa ku baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan.

Siyaasiyiintan ayaa shirkooda ku sheegay in ay fidin doonaan gogol nabadeed si loo soo af meero xiisadaha gacan ka hadalka ee ka jira gobolka.

Shirarka lagu nabadaynayo dhinacyadan ayaa siyaasiintan waxa ay tilmaameen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku qaban doonaan gudaha magaalada Beledwayne.

Hadalka siyaasiyintan ayaa ku soo aadaya xilli maalinimadii khamiista ahayd ay odayaal ku sugan Beledwayne warbaahinta u sheegeen in ay ka soo hor jeedaan dadaallada xukuumadda ay ku dooneyso wada hadallo lagu xalliyo colaada.

Dagaallada soo noqnoqday ee ka dhacay deegaanada Deefow iyo Kabxanley ayaa sababay dhimasho fara badan iyo dhaawac, waxa ayna salka ku hayaan arimo la xiriira dhul beereed.