U bood dhigaalka

Siyaasiyiin u Badan Kuwa Hoggaamiye Xisbiyada Mucaaradka Oo Gaarey B/weyne (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Maanta oo Jimco ah waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaray siyaasiyiin u badan kuwa hoggaamiya xisbiyada mucaaradka ee dalka ka jira.

Garoonka diyaaradaha ee B/weyne waxaa lagu soo dhaweeyay siyaasiyiinta kala ah Musharax C/raxmaan C/shakuur, Ra’iisul wasaare hore C/weli Sheekh Axmed, Guddoomiyahii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Dr C/raxmaan Macallin Baadiyow iyo mas’uuliyiin kale.

Siyaasiyiintan tagey B/weyne oo ku mideysan Isbahaysiga xisbiyada ayaa waxay kulan la qaateen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo arrimo badan ay ka wada hadleen.

Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, kaasi oo ka soconaya magaalada Jowhar, si wadajir ahna ugu baaqay in shirkaasi dib loo dhigo.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa isna ku ammaanay mas’uuliyiintan tagey B/weyne sida ay u muujinayaan dadaalka ay ku doonayaan in shacabka Soomaaliyeed noqdaa isku aragti iyo dad wax wada qabsada.

Ugaaska ayaa ugu dambeyn ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan horumarka dalka.

007 006 005 004 003 002 001

Goobjoog News