U bood dhigaalka

Siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi Oo War Ka Soo Saaray Shirka Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Shir jaraa’id oo ay goor dhaw magaalada Muqdisho ku qabteen gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillahi, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, ayaa lagu sheegay in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka uga furmay Dhuusamareeb aan loo dhameyn .

Ibraahim Iidle Suleybaan , gudoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee dalka oo warbaahinta u akhriyay qodobada kasoo baxay kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, ayaa sheegay in bilawgii bishaan gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillahi uu waraaq codsi ka qeeyb gal ah u diray madaxweeynaha Galmudug , si uu qeeyb uga noqdo shirka Dhuusamareeb, balse gudoomiyaha loogu soo jawaab celiyay in gudoomiyaha uusan shirka imaan karin sababa la xiirira in wufuudda casuumaadda uusan ku jirin.

Hoos Ka Akhriso Mowqifka Shirka Dhuusamareeb ee Siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi