U bood dhigaalka

Siyaasiyiinta Gobalka Gedo Oo Weli Ku Heshiin La Maamulka Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in khilaaf iyo is marin waa uu ka taagan yahay xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyey Gudoomiyahii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo iimaan Cadow Kaaarshe oo ahaa Gudoomiyahii degmada Garbahaarey.

Isku dayo la doonayey inuu ku shaqeeyo Maamulo Jubbaland ay u magacawdey  Gobolka iyo Kan degmada Garbahaarey ayaan ilaa iyo hadda lagu guuleysan inay shaqeeyaan, waxaana magaalada Garbahaarey in muddo ahba ku sugan Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin la kala safan labada dhinac, kuwaas oo ay ka mid yihiin Jeneraal Farataag iyo xildhibaanno ka tirsan Jubbaland oo u ololeynaya inay shaqeeyaan Maamulada Cusub.

Sidoo kale Xildhibaan Magan,vJeneraal Cali Madoobe iyo Siyaasi Cabdi Shire ,ayaa ka hor imaadsan inuu shaqeeyo maamulka Jubbaland ay u magacowday Gobolka Gedo iyo midka Garbahaarey, waxaana jira Cabsi la xiriirta khilaafkan inuu lugaha la galo iska hor imaad.

Cabdirisaaq Muxumed Cismaan (Jugeyste) oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka degmada Garbahaarey, ayaa u sheegay Goobjoog News, in xaaladda ka jirta degmada Garbahaarey ay tahay mid aad u kacan.

Waxa uu tilmaamay in hadda aanay muuqan wado lagu gaaro xalka, islamarkaana xubnaha Jubbaland aysan rabin Soomaalinimo, ayna doonayaan oo kaliya talada dowladda Itoobiya soo siiso, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Lama oga sida ay xaaladda ku dambeyn doonto, iyadoo shacabka degmada Garbahaarey ay yihiin kuwo xilli walba ka baqanaya in la dagaallmo, ama xaajadu iska bedasho sida ay hadda tahay.

Goobjoog News