U bood dhigaalka

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo maamulka Koonfur-galbeed oo loogu baaqay in miiska wadahadalka ay ku soo noqdaan

Sheeko:Amniga

Xaalad aan caga badan ku taagneyd oo deganaasho ah ayaa ka jirto magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaalka ah maamulka Koonfur-galbeed.

Xiisadda oo ka dhalatay xasilooni dhanka siyaasadda ah iyo kororsiga waqtiga xafiiska uu joogo madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa isku rogtay gacan ka hadal.

Jimcihii 23- december ciidamo ka amar qaata maamulka madaxweyne Lafta-gareen ayaa weerar ku qaaday hooy ay ku sugnaayeen ciidamo uu la socday wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan mudda sii dheereysiga xafiiska ee madaxweyne Lafta-gareen.

Muranka ayaa intaas ka dsiidaray, xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo eedda dhacdada u dusha u saaray madaxweynaha maamulkaas.

Guddoomiyihii hore golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa eedda weerarka guriga Siyaasi Farkeeti dusha u saaray madaxweynaa dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed.

“Waxaa nasiib darro ah in magaalada Baydhaba ay saaka kusoo waabariisato dagaal, halkaasi oo madaxweyne Laftagreen oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday uu amar ku bixiyay in la weeraro guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Farkeeti. Waan cambaareyneynaa, xalna kuma jiro xoog, laakiin xalka waxa uu ku jiraa doorasho,” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Midkamid ah wasiiradii ugu saameyntabadnaa maamulka Koonfur-galbeed oo ah wasiirka warfaafinta maamulkaas Ilyaas Cali Nuur ayaa iska casilay xilkiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayay dhibka lagu haayo dadkiisa oo uu sheegay in uusan raali ka ahay, sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.

“Waxa aan iska casiley xilkii Wasiirka Warfaafinta KGS, kaddib markii ay ii cuntami weysey waxa lagu sameeyey dadkeyga, oo aan xitaa nalaga talo gelinin weerarkii lagu qaadey oo anaga ka warheyn,” auu yiri wasiir Ilyas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka Baydhabo ayaa sheegay in loo baahan yahay labada dhinac in ay la yimaadaan ixtiraam.

“dhexdeena aan dagaallami lahayn” balse la joogo xiligii “aan cadowga iska xoreyn lahayn” isagoo yiri “Siyaasadda halaga wada-hadlo, madaxda joogta hala dhowro kuwa hamigga lehna hala dhowro dadkana halloo turo.” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Faderaalka ah ay diiradda saareyso sidii loo xalin lahaa ayna arintaas ku mashquulsan yihiin.

“Saakay ilaa xalay waxaan mashquul ku aheyn sidii looga baaqsan lahaa gacan ka hadal, dowladda federaalka waxay xoogga isugu geyn doontaa in dadka deegaankaas ay is xaliyaan oo khilaafkooda uu si nabad ah ku soo dhamaado,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Faderaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo shaqsiga ugu darajada sareeyo Faderaalka ee ka soo jeeda deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed ayaa uga digay ciidamada kamid noqoshada qalalaasaha ka jira dhulka.

“Sidoo kale masuuliyiinta, siyaasiyiinta, saraakiisha, dhammaan ciidamada qalabka sida iyo cid walboo ku lug leh waxaan uga digayaa in ay qayb ka qaataan dhiig la daadiyo xiligan,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. 

Guddoomiye Madoobe ayaa sheegay in wax waliba oo khilaaf ee ka jira deegannada maamulka lagu xalinayo miiska wadahadalka marka la isugu yimaado 5-ta bisha soo socota ee sanadka cusub.

“Dhammaan wixii khilaaf siyaasadeed ah ee ka jira deegaanka, sidii aan horay u soo jeedinay, waxaa lagu xalinayaa miiska wadahadalka. Waxaan u aragnaa dhaqdhaqaayadan kuwo looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib u heshiisiinta aan ku baaqnay ee lagu madlanyahay 5ta bisha Janaayo 2023-ka,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Faderaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saddex ra’iisul wasaare hore oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas|), Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke, ayaa dhankooda ku baaqay in miiska wadahadalka lagu soo noqdo.

Siyaasiyiintaan ayaa dalbaday in la hirgeliyo doorasho wadar ogol ah, si loogu turo shacabka iyo deegaannada maamulka Koonfur-galbeed.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan kuna qancaan in xalku yahay in Koofur Galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxdan.

Mas’uuliyiintaan xilalka kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladd Faderaalka in ay qaadato kaalinteeda odaytinimo.

“Waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtan muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo ka socda waanwaan ay garwadeen ka yihiin waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka maamulka, kuwaas oo la doonayo in lagu xaliyo xiisadda ka taagan maamulka Koonfur galbeed.

Sikastaba waanwaanta iyo baaqyada caalamiga ah ee soo gaaraya labada dhinac ayaa isasoo taraya, waxaana la ogeyn halka xaal uu ku dambeyn doono.

Goobjoog News