U bood dhigaalka

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed Oo Si Wada Jir Ah Farmaajo Ugu Eedeyay In Uu Ka Soo Horjeedo Baarista Kiiska Ikraan Tahliil

Sheeko:Amniga

Golaha Midawga Musharixiinta ayaa cambaareyay go’aanadii Farmaajo ka soo baxay ee lagu magacaabay Taliyaha NISA.

Midawga ayaa sheegay in Farmaajo uu carqaladeynayo in baaritaanno daah furan lagu sameeyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Musharixiinta ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Farmaajo uu qorsheynayo in uu xagal ka daaciyo doorashooyinka Dalka.

Dhanka kale Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday uu qeyb ka ahaa Dilka Ikraan Tahliil sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Cabishakuur ayaa sheegay in uu Farmaajo uu hor istaagayo cadaalad u helidda Ikraan Tahliil.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa uu ku yiri :

Tallaabada uu Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday qaaday saddex eed ayay qoorta u suraysaa.

1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaacayo, xalayna uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil.

2- Caddaalad isku hor-gudbid (Obstruction of Justice), maadaama uu diiddan yahay in kiiska la baaro, oo laga gungaaro xaqiiqdiisa dhabta ah.

3- Abuuris qalqal amni iyo mid siyaasadeed, si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha Rooble ugu baaqay in uu cadaaladda hor keeno raggii ka dambeyay dilka Ikraan Tahliil.

Haddaba, in uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble, ku eedeeyo in uu cadaaladda hortaagan yahay, carqaladayna ku hayo doorashooyinka, tuhunna geliyo in uu kiiska ku lug leeyahay waxay ahayd jawaab sax ah.

Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga rabaa in uu Taliye Bashiir xilka ku wareejiyo, xarunta NISA na geeyo. Guddigii uu baaritaanka u xilsaarna waa in ay tillaabo ka qaadaan shakhsiyaadkii hor istaagay baaritaanka oo ay Fahad iyo Fareey ugu horreeyaan. “ ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Dhinaca kale Cabdi Faarax Juxa Wasiirki hore ee arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka ayaa sheegay in afarti sano ee Farmaajo ay sii dhamaatay saaxiibadii uu ku lahaa siyaasadda.

Juxa ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Farmaajo uu saaka taagan yahay halkii ugu xumeyd ee siyaasadda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri Juxa “Bilowga dhamaadka sheekada oo wareegtooyin ah:

4 sano oo muddo-xileed ah iyo 8 bilood oo dulqaadasho shacab ah ayaa dhamaaday, saaka ayeyna ugu indho xun tahay. Calaamadihii dhamaadka oo far waaweyn ah ayaa derbiyada ku qoran. Go’aan weliba kan ka dameeya waa ka yaab badan yahay. Dhawaaqa kalsooni-darro ayaa sii kordhaya, saaxiibadii siyaasadduna waa sii yaraanayaan. Keli ah Tani waa kasii daraysaa.

Ookiyaalaha iska bixi, hareeraha eeg, codka kalsooni-darro ee shacabka iyo miyuusigga dhamaadka dhegeyso.”

Waxaa isa soo taraya siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka saacadihii la soo dhaafay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeynayo in uu diidan yahay in baaris iyo maxkamadeyn lagu sameeyo dadka lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyaan Kiiska Ikraan Tahliil.

Goobjoog News