U bood dhigaalka

Socdaalka Guudlaawe Ee Baladweyne Oo Dib U Dhacay, Akhriso Xaaladda Magaalada

Sheeko:Amniga

Magaalada Baladweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan ayaa waxaa saakay ka jira xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay safar lagu waday inuu manta magaalada ku tago madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Magaalada ayaa waxaa qeybo kamid ah la wareegay ciidamo uu hoggaaminayo taliye gadoodsan oo lagu magacaabo Nuur Dheere, kaas oo kamid ah saraakiisha ka tan iyo doorashada Guudlaawe ka soo horjeedday in magaalada uu yimaado.

Wararkii ugu dambeeyey ee Goobjoog News ka heleyso magaalada Baladwene ayaa ku waramaya in madaxweyne Cali Guudlaawe dib loo dhigay safarkii uu tagi lahaa magalaada, waxaana ciidamo badan lagu arkayaa qeybo magaalada ah.

Mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle ee kusugan ee ku sugan magaalada ayaa isugu tagay xarubta maamulka gobolka, waxaana magaalada lagu dhex arkayaa ciidamo ka tirsan milatariga kuwaas uu hoggaamnayo taliye Nuur Dheere.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay ka mid tahay goobaha loo asteeyey in lagu qabto doorashooyinka kuraasta golaha shacabka ee Baarlmaanka federalka Soomaaliya, xiisadaan ayaa dib u sii dhigi karta waqtigii loo asteeyey doorashada.

Sawirada qaar kamid ah xaafadaha magaalada laga soo qaaday 

Goobjoog News