U bood dhigaalka

Socdaalka Tariinka Nabadda: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kadagay Dhuusomareeb

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusomareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan labada gole, wasiiro iyo Sarakiil Ciidan ayaa waxa  Airportka Ugaas Nuur Dhuusomareeb kusoo dhoweeyay Masuulyiiin ka tirsan Galmudug oo ugu horeeyo Madxweyne Axmed QoorQoor iyo boqolaal shacab ah.

MD Xasan oo Salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa la filayaa inuu kulamo wadatashi ah la yeesho Madaxda Galmudug iyo bulshada maamulkaasi, kulamadan ayaana qeybka ah safarka “Tariinka Nabadda” ee Madaxweynuhu ku marayo gobolada Dalka.

GOOBJOOG NEWS