U bood dhigaalka

Som United Oo Agab Isboorti Ku Wareejisay Itaal FC

Sheeko:Cayaaraha

Caqbado dhinaca kabaha oo haystay akadeemiyada Itaal FC sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baahidooda ka jawaabay Maamulka iyo macallimiinta naadiga Som United ee ka dhisan magaalada Stockhom ee dalka Sweden,iyagoo sanadihii laga soo gudbay labada dhinaca ay bilaaweyn wada shaqeyn iyo horomarinta da’yarta Itaal FC ee ka dhisana Magaalada Muqdisho.

“Waan u mahadcelinaynaa Maamulka iyo Macallimiinta kooxda Som United sida wanaagsan ay noo garab taaganyihiin,waxaan ka rajaynaa intaas iyo ka badan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay macallinka Akadeemiyada Itaal Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

In badan oo ka mid ah ciyaaryahan Itaal FC ayaa mustaqbalka ku haminaya in ay meel wanaagsan ka gaaraan xirfadda kubbadda cagta,waxaana Maamulka sare ee naadiga Som United ay balan-qaadeen in ay diyaar u yihiin garabsiinta iyo guulaha akadeeemiyada Itaall FC oo loo diyaarinayo horomarka kubbadda cagta Soomaaliya mustaqbalka soo socda.

“Waxaan diyaar u nahay horomarinta akadameeyida Itaal,waxaan u mahadcelinaynaa macallin Aweys Aar sida wanaagsan uu iskugu xilqaamay horomarinta da’yarta soo koraysa,Som United way ka go’antahay dhiirigelinta iyo horomarka Itaal” ayuu Goobjoog Sports ugu wramay Macallin Haatun Cabdiqaadir Daahir oo ah tababare kooxda Da’yarta Siom United ee ka dhisan dalka Sweden.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Qalab Wareejinta Som United ee Itaal FC

 

 

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Som United

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/som-united-oo-qalab-isboorti-ku-wareejisay-akadeemiyada-itaal-fc/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle