U bood dhigaalka

Som United Oo Casuuntay Laacib Yoonis Faarax

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka Afaraad ee dalka Sweden ayaa casuuntay xidigaha kala ah Mustafa Nakuuja iyo laacib Yoonis Faarax oo ka mid ah xidigaha Xulka Qaranka Soomaaliya waxaana booqashadooda ka qeyb galay maamulka,macallimiinta,ciyaartooyda iyo laacibiintii hore Soomaaliya.

Yoonis Faarax oo ka tirsan Xulka Qaranka kana mid ah dhalinyarada ka ciyaarta Wadamada yurub ayaa dalka Sweden,waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay bahda isboortiga iyo ciyaaryahandii hore Soomaaliya.

“Aad ayay u mahadsanyihiin Maamulka sare kooxda Som United, sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen runtii waxaan ka helay qaabka wanaagsan ay kooxda u diyaarinayso dhalinyarada soo koraysa” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacib Yoonis Cabdirisaaq Faarax.

Naadiga Som United oo la aas aasay sanadii 2011 ayaa ah koox Soomaaliyeed oo ka ciyaarta horyaalka heerka Afaraad ee Wadanka Sweden,waxaana qorshaha maamulka kooxdan uu yahay in mustaqbalka ay ka ciyaaraan horyaalka heerka kowaad ee Sweden.

“Booqashada Yoonis iyo Mustaf waxa ay aheyd mid wanaagsan,waxay noogu yimaadeen salaan iyo in ay arkaan hadafka iyo heerarka kala duwan ee Som United ay gaartay” ayuu Goobjoog  Sports ugu waramay macallinka ahna maamulaha kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir Sheekdoon.

Yaasir Maxamed Maxamuud oo isna ka mid ahaa xidigihii hore Soomaaliya ayaa bogaadiyay da’daalka iyo wax qabadka Mustaf Nakuuja iyo Yoonis Faarax,isagoo sheegay in u dheelista Xulka ay tahay meesha ugu saraysa ee lagu gaaro ciyaaraha Soomaaliya.

“Booqashada labada ciyaarayahan ee Qarankeena,waxa ay dhiiri gelin iyo horomar u tahay da’yarta kooxda Som United, waxaan rajaynaa in mustaqbalka soo socda ay kaalin ka qaataan qorshaha hormarineyd ee Som United” ayuu isna Goobjoog Sports ugu waramay laacibkii hore Soomaaliya Yaasir Maxamed Maxamuud oo qeyb ka ah dhalinyarada gacanta ku haysa naadiga Som United.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle