U bood dhigaalka

Som United Oo Qalab isboorti Ku wareejisay Akadeemiyada Itaal

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa gab isboorti ku wareejisay akeedimiyada Itaal FC ee ka dhisran Magaalada Muqdisho,waxaana howshan bilaaw u tahay wada-shaqeyn dhexmarta labada dhinac,iyadoo maamulka Itaal ay u mahad celiyeen dhigooda Som United.

“Anaga Iyo Som United waxaa inoo bilaawday waa cusub oo wada shaqeyn ah,waxaan howshan u aragnaa mid muhiim u ah Akeedimiyada Itaal FC,runtii tani waxay nagu dhiiri-gelinaysaa in samayno hor socod wanaagsan,waxaan kaalin intaa badan ka rabnaa qurbajoogta ee kale “ ayuu Goobjoog Sports u sheegay Agaasimaha Goobjoog TV ahna maamulaha Akeedimiyada Itaal FC

“Waa dhallinyaro aqlaaq wanaagsan,waxaan u rajaynayaa guul iyo horomar,hadii aanu nahay Som United waxaan diyaar u nahay in aan caawino akadeemiyada oo muhiim u ah kubbadda cagta Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Hatun Cabdiqaadir Daahir oo ah tababaraha kooxda Da’yarta Som United oo ka dhisan Magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Qalab Wareejinta

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle