U bood dhigaalka

Som United Oo Shaacisay Saxiixa Macallin Haatun Daahir

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Kubbadda cagta Som United ee ka dhisan Wadanka Sweden ayaa shaacisay in ay la soo wareegtay Macallin Haatin Cabdiqaadir Daahir oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta wanaagsan u leh xirfada macallinimo,isagoo tobonkii sano lasoo dhaafay ka soo shaqaynay Dalka Sweden.

“Macalin Haatun ku soo dhawaaw Som United,waan ku faraxsanahay in aag naga soo biirto waxaan kaa rajaynaynaa in aad nagu soo biiriso aqoontaada iyo qibradaada macallinimo” ayuu warbhaainta u sheegay Aaas aasaha ahna maamulaha Kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon.

“Waan ku faraxsanahay in aan maanta heeshiis wada shaqeynd la gaaro kooxda Som United,sanadaha soo socda waxaan rajaynaynaa in aan la gaaro guulo waaweyn,waxaanse rabaa in aan u mahad celiyo maamulka Som United sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen” ayuu isna saxaafada u sheegay macallinka Da’yarta kooxda Som United Mr.Haatun Cabdiqaadir Daahir.

Som United oo ah Koox Soomaaliyeed kana dhisan magaalada Stockholm ee Wadanka Sweden ayaa la aas aasay sanadii 2011,waxaana iminka ay kooxda ka koobantahay ilaa 11-koox oo kala duwan,iyadoo maamulka kooxda ay rajayaan in mustaqbalka soo socda ay noqdaan kooxda ugu awooda badan ee ka dheesha horyaalaada kala duwan ee Wadanka Sweden.

Bahda isboortiga Soomaaliyeed ee dalka Sweden ayaa u hambaleeyay Macalin Haatin Cabdiqaadir heshiiska oo la gaaray Som United,iyagoo u rajeeyay guul iyo horomar wanaagsan.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Heshiiska Som United Iyo Haatun

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle