U bood dhigaalka

Somaalida Yemen Oo Sheegay In Weli Aysan Gacan Ka Helin Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Guddiga isdiiwaangalinta dadka ka soo laabanaya Yemen ayaa sheegay in aysan jirin wax dowladda Federaalka ka socda oo illaa hadda gaaray dalkaasi si ay gacan u siiyaan dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhiban.

Dhuxul Cabdi Geeddi oo ka mid ah xubnaha guddigaasi ayaa u sheegay Goobjoog FM in maalin walba ay diiwaangeliyaan qoysas badan oo doonaya in ay dhinaca Soomaaliya soo aadaan hase yeeshee weli dowladda maraakiibta ay sheegtay inay u dirtay aysan gaarin.

Wuxuu tilmaamay in ay dadka aad u dhibaateysan yihiin oo qoysaska qaar aysan heli karin wax ay cunaan taas oo sii adkeynaysa xaaladda Soomaalida ay ku nool yihiin wadanka Yemen.

Dhuxul ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah in ay ka dhabeyso balanqaadkeeda, islamarkaana ay degdeg maraakiib ugu dirto dalka Yemen si loo badbaadiyo nolosha Kumanaan qof oo Soomaaliyeed.

Dalka Yemen waxaa ka socda dagaallo saameyn ku yeeshay nolosha Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in muwaadiniinta kale ee dalkaasi ku sugnaa ay mar hore dowladahooda la baxeen.

Goobjoog News