U bood dhigaalka

Somaaliya Iyo Midowga Afrika Oo Ka Baaraandagaya Istaraatiijiyad Ammaan Oo Looga Hortagayo Qatarta Argagixisada

Sheeko:Dalka

Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa qorsheynaya istaraatiijiyad cusub oo dhinaca ammaanka ah si ay gacan uga geysato ka hortagga qatarta waxa loogu yeero aragagixisada ee ka jirta dalka ku yaalla geeska Afrika.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa la yeeshay kullan looga hadlayey ammaanka ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte si meesha looga saaro cilladaha ku hor gudban hawlgallada dhinaca ammaanka ee dalka.

Intii uu socday kullanka labada mas’uul waxay ka wada hadleen sidii ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay isaga kaashan lahaayeen sidii looga adkaan lahaa xarakada Al-shabaab.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa sheegay in AMISOM ay la kala kulantay caqabado hawlgalkeeda Soomaaliya kuwaas oo u baahan ayuu yiri in wax laga qabto wuxuu intaas ku daray in iskaashi dhex mara AMISOM iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay tahay wadada ay uga guuleysan karaan xarakada Al-shabaab.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira wuxuu hoosta ka xariiqay in is-dhexgalka labada ciidan ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliya uu yahay mid tusaale u ah inaan ka guuleysaneyno Alshabab amaba inaan ka guuleysan weyno haddii aynaan go’aankaas qaadanna waxaa dhici karta inaan guuldarreysano.

Wakiilku wuxuu xusay in arrimaha culeyska leh ay ka imaanayaan dhinaca taliska iyo nidaamka maamul ee ka dhaxeeya AMISOM iyo ciidamada dhiggooda ah ee Soomaaliyeed wuxuuna baaqay in ay jirto baahi ah in kor loo qaado iskaashiga labada ciidan.

Francisco Madeira wuxuu sheegay inay shacabka Soomaaliyeed la yimaadaan tillaabo AMISOM dareensiineysa sidii ammaanka dalka loo sugi lahaa ugu dambeyna ciidamada gobolka ay isaga baxaan dalka.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa isna dhankiisa bogaadiyey taageerada ay dowladda Soomaaliya ka heshay AMISOM wuxuuna sheegay in mararka qaar dhibaatooyin ay ka imaan karaan hawlgalada ciidamada ay wadaan waa AMISOM iyo xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna rajo ka muujiyey in arrimahaas wax laqa qaban doono.

Goobjoog News