U bood dhigaalka

Somalia oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Somalia ayaa waydiisatay maxkamadda sare ee qaramada midoobay in ay go’aamiso xad badeedka ay badweynta hindia kala wadaagto Kenya

Somalia ayaa kiiskan u gudbisay Maxkamadda maalimadii khamiista ahayd, ayadoo ku dalbatay in loobanyahay in labada wadan loo sharciyeeyo xadka badda ay leeyihiin.

Codsiga Somaaliya ee la geeyay maxkamadda ayaa waxaa uu leeyahay “labada wadan khilaafka u dhexeeya waxaa uu salka ku hayaa barta uu marayo xadka badda” waxaa uuna yiri in dadaaladii diploomaasiyadeed ee is afgarad lagu gaari lahaa ay burbureen.

Khilaafka dhanka xad badeedka ahi waxaa uu soo jiray sanado taas oo meesha ka saartay fursadihii maalgashiga ayadoo lagu sababeeyay in aysan jirin sharci cad oo ku saabsan lehaanshiyaha biyaha laga yaabo in uu ku jiro shidaal.

Kenya oo ay ciidamo ka joogeen gudaha dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011, ayaga oo markii hore kusoo galay weerar ay kusoo qaadeen xarakada Alshabaab kadibna ka mid noqday ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, ayaa sheeganaya qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya oo gaaraya in ka badan 100,000 km2 (40,000 Mile) taas oo soomaaliya ay ayana sheeganayso lehaashiyeheeda.

Kiistaan la geeyay maxkamadda qaramada midoobay ee Hagaue ayaa qaata sanado ayadoo xukumadeena ay yiin kuwa ay taqay kama dambeys oo qasab tahay in la qaato.

Xigasho: wakaalado