U bood dhigaalka

Somaliland: 40-kun Arday Ah Oo Imtixaanka Shahaadiga U Fadhiisatay

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka deegaanada Somaliland ka bilaabmay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo kan dhexe, kaas oo ay qaaddo wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland.

Imtixaanka ayaa waxaa sanadkaanu fadhiistay deegaanada Somaliland 40,000 kun arday ah, taas oo ah tiradii ugu badneyd ee abid mar qura u fadhiisato imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare iyo dhexe Somaliland.

War ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu hambalyo u diray ardayda sanadkaan u fadhiisatay imtixaanka.

“Dhambaal Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhammbaal hambalyo iyo duco ah u dirayaa ardayda maanta u fadhiisatay imtixaanaadka shahaadiga ah oo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka si habsami leh looga wada fadhiistay fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo afraad ee dugsiyada sare ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Imtixaanka ayaa ku soo aaday xilli xaalad degaanansho siyaasadeed la’aan ah ay ka jirto Somaliland.

Goobjoog News