U bood dhigaalka

Somaliland: Beelaha Laga Tirada Badan Yahay Oo Cabasho Ah

Sheeko:Dalka

Beelaha Gabooye  waxay ka cabanayaan inaanay ka heli saamigooda xilalka Somaliland ee la  magacaabo , waxayna arrintaasi ku tilmaameen caddaalad darro   uu kula kacay maamulka talada haya ee madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo .

Suldaan Daahir  Xasan Khaliif  oo ah suldaanka Guud ee beelahan  Gabooye ayaa sheegay in beeshiisu  ay cabasho ka sheeganayso   Somaliland isaga oo waliba codsaday in wax laga qabto arrintooda “ dhawaan iyo markastaba waxa la sameeyaa isku shaandhayn iyo magacaabis xilal cusub oo xukuumadda ah  beelaha Gabooye meelna lagagama soo darin  dhawaan waxa ugu dambeeyey  garabka dhallinyarada ee xisbi xaakimka Kulmiye oo hoggaan loo sameeyey beelaha Gabooye qofna lagagama darin , waxa ka horeeyey agaasimayaal iyo wasiir iyagana sidoo kale “ ayuu yiri Suldaanku.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo warbaahinta   kula hadlaayey magaalada Burco ayaa sheegay in beeshiisa uu uga digaayo inay wax taageero ah siiyaan xisbiga Kulmiye ee dhalay  xukuumadda hadda talada haysa  madaama sida uu sheegay ay  xilalkii dawladda ka qayb-gelin waayeen  “ waxaan ugu baaqayaa beesha aan ka soo jeedo  in ay iska jiraan inay mar kale ku hugoobaan inay taageero cod iyo mid siyaasadeedba u muujiyaan dawladda talada haysa sababta oo ah waxa cashar inoogu filan waxii dhacay” ayuu yiri Suldaanku.

Beelaha Gabooye oo inta badan  ka cadawda inay ka hooseeyaan kaabayaasha nolosha sida dhaqaalaha iyo waxbarashada ayaa waayadan dambe sidoo kale waxa ugu biirtay tabasho kale oo  ay dhanka siyaasada ka sheegtaan iyaga oo aan wax kuraas ah ka helin labadii doorasho ee u dambeeyey ee Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka , waxayna hadda ka wal-wal qabaan  doorashada soo socota ee baarlamaanka oo ay wax ka heli waayaan madaama aan la meel marinin  qoondo kuraas ah oo ay hore u codsadeen.

Goobjoog News