U bood dhigaalka

Somaliland: Cidna Laguma Wareejin Garoonka Hargeysa

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay in garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa maamulkiisa lagu wareejiyey dalka Isku tagga Imaaraadka carabta, kadib hadal hayn maaalmahan dambe arrintaasi ka taagneyd.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aaney jirin cid lagu wareejiyey garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Wuxuu sheegay Wasiirka iney jirto in Imaaraatka ay codsi kusoo dhiibteen in saldhig ay ka sameystaan magaalada Berbera, wax intaasi dhaafsanna aaney jirin.

“ Cidna laguma wareejin garoonka Hargeysa, haddii cid kale lagu wareejiyey hadde diyaarad ma aysan kasoo degi lahayn oo waxaan dhihi lahaa diyaaradaha meello kale haka soo degaan” ayuu yiri Wasiir Haybe.

Waxaa jirtay hadal hayn ah in Somaliland ay garoonka Hargeysa ku wareejisay Imaaraadka Carabta oo la tilmaamay in dib u habeyn ku sameynayaa garoonkaasi.

Goobjoog News