U bood dhigaalka

Somaliland: Codeynta Oo Dhamaatay iyo Natiijada Oo Goordhaw La Filayo In Lagu Dhawaaqo

Sheeko:Amniga

Waxaa lagu wadaa in sacadaha soo socdo la soo gab gabeyo tirinta codadka musharixiinta golayaasha wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland.

Doorashada golaha wakiilada iyo midka deegaanka oo shalay ka qabsoomtay deeganada Somaliland ayaa la sheegay in 12 saac ee soo aaddan gudahood lagu dhawaaqi doono natiijada .

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in goobaha qaar ay soo idlatay tirinta cododka mar dhawna ay ku dhawaaqi doonaan.

552 musharax ayaa u tartamaya doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland halka 246 Musharax ay u taagan yihiin qabashada golaha wakiilada Somaliland .

Doorashada ayaana ka qabsoomi doonta 23 degmo oo ka tirsan deegaanada Somaliland.

doorashadaan ayaa noqoneysa middii todobaad oo ay dadweynaha u codeynayaan musharaxa ay rabaan kadib lix doorasho oo horay uga dhacday dhulka Somaliland .

Somaliland Saddex doorasho oo Madaxweyninimo ayaa ka dhacday kuwaas oo ay dadweynaha codeyen , iyaga oo kala dhacay : April, 2003, June, 2010 iyo Nov 2017.

Hal doorasho oo baarlamaani ah, oo ay dadka codeyeen ayaa horay u dhacday  Sep, 2005 .

Halka  laba doorasho oo goleyaasha deegaan ka ah Somaliland ay horay uga dhaceen  : Dec, 2003 iyo Nov, 2012.

Goobjoog News